Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka ee gobolka Hiiraan oo guddiga gurmadka ee gobolkaas sheegay in lagu dhaliilay qaabkii ay ugu gurmadeen dadka dhibaateysan

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Hiiraan Sheekh Ibraahim Xasan Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mugdi badan uu ku jiro hannaanka ay guddiga gurmadka gobolka Hiiraan ay u qeybiyeen shacabkii ay saameysay fatahaadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha guddigaan aan la gala tashan islamarkaana shacabka gobolkaasi ay u soo jeediyeen dhaliin ku aadan sidii dadkii ay saameen fatahaada ay u gaarsiiyeen gurmadkii loogu tala galay.

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Hiiraan Sheekh Ibraahim Xasan Cabdulle ayaa ka dalbaday guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan qoraallo caddeyn ah oo muujinaya sida ay wax ku qeybiyeen.

Share This Post

Post Comment