Maxaad ka og tahay Heshiisyada Taariikhiga Ah ee dhex maray Trump Iyo Kim Jong-un?

Waxaa heshiis iyo is-afgarad taariikhi ah gaaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un, tallaabadan ayaa timid kadib kulan labada mas’uul ku dhex maray Jasiiradda Sentosa ee Dalka Singapore.

Inta ay kullamada socdeen, waxaa ay labada nin yeesheen kulan gaar ah oo 40 daqiiqo qaatay, waxaa la joogay oo keliya labada tarjumaan.

Maraykanka waxaa uu doodayaan in Kuuriya waqooyi ay baab’iso hubka wax gummada  halka Jaziiradda Kuuriyada waqooyi ay xoogga saareyso sidii ay dhaqaale iyo horumar ku gaari laheyd.

Maxay ku heshiiyeen?

Weriyaha BBC-da Laura Bicker ayaa sheegtay in labada hogaamiye ay ku heshiiyeen:

1: In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleeshaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.

2: In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.

3: Si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, in K/Waqooyi ay ka shaqeysaa sida gacanka looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

4: Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi inay iska kaashadaan baadigoobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi

Dadka siyaasadda falanqeeya waxaa kulanka iyo heshiiska ku tilmaameen mid taarikhi ah waayo sanadkii hore xillagan oo kale waa adkeen in calanka waqooyiga Kuuriya lagu arko fagaaraha caalamka

Share This Post

Post Comment