Soomaaliland iyo Puntland oo hadalo iska soo hor jeeda hawada isku marsiiyay

Mas`uuliyiinta Soomaaliland iyo Puntland ayaa hawada isku marsiiyay hadalo iska soo hor jeeda oo ku aadan xiisada colaadeed oo ka taagan deegaanada gobolka Sool.

Gobolka Sool ayaa waxaa isku hor fadhiyo ciidamo kala taabacsan laba dhinac kuwaas in muddo ah ku dagaalamayay gobolkaasi.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa warbaahinta u sheegay in xiisada ka taagan gobolka Sool loo baahanyahay in lagu xaliyo wadahadal.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u yihiin in ay kawada hadlaan dagaalka ka taagan gobolkaasi.

Dhankale Afhayeenka maamulka Puntland C/laahi Jaamac Quraan Jecel ayaa sheegay in warka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland aanu waxbo ka jirin, islamarkaana Puntland ay ka go’an tahay iney la wareegto gobolka Sool

Share This Post

Post Comment