Wasaarada Ganacsiga oo mamnuucday in dalka la keeno Qalabka ay ku ciyaaraan caruurta maalmaha ciida

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga xukumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu mamnuucay in dalka la keeno Qalabka caruurta ay ku ciyaaraan maalmaha ciida sida kuwa ka kooban Bistooladaha, Qoryaha, iyo wixii la mid ah.

Wareegtada ayaa lagu yiri Ganacsatada dalka keena Qalabka ay caruurta ay ku ciyaaraan maalmaha ciida ah waxay dhiira gelinayaan colaada waxa ayna horseedayaan amni darada ka taagan dalka, maadaama dhowr iyo labaatan sano ee la soo dhafay dalka uu ku jiray colaad sokeeye.

Waxaana Ganacsatada la faray in Ciidaha kale dalka ay keenaan wax ka duwan agabgaan caruurta ay ku ciyaaraan maalmaha ciida kuwaas oo ka kooban Bistoolad, Qoryo, iyo wixii la mid ah.

Share This Post

Post Comment